Madaxweynaha Koonfur Afrika oo mar kale loo doortay madaxa ANC

0
297

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa mar kale madaxweynaha wadankaasi Cyril Ramaphosa u doortay xilka guddoomiyaha xisbiga.
Muddo shan sano oo dheeraad ah ayuu xisbigan sii hoggaamin doonaa.
Ramaphosa ayaa helay codad gaaraya 2,476 halka wasiirkii hore ee caafimaadka Zweli Mkhize oo la tartamayay uu soo hooyay 1,897 oo codad ah.
Waxaa natiijadan shaaciyay madaxa arrimaha doorashooyinka ee xisbiga ANC ee dalka Koonfur Afrika ,Kgalema Motlanthe.
Waxaa natiijada soo dhaweeyay oo inay guul u tahay dalkaasi sheegay afhayeenka Ramaphosa ,Vincent Magwenya .
Tani ayaa waddada u xaareysa in Cyril Ramaphosa uu sanadka 2024-ka markii labaad isku soo sharraxo xilka madaxtinnimo ee Koonfur Afrika.
Waxaa doorashada Ramaphosa uu ugu soo baxay madaxa ANC ka qayb qaatay in ka badan 4,300 oo ergo ah.