Dowladda dhexe ayaa lacago ugu talagashay dadaallada ay uga falcelinayso saameynta abaarta , howlaha ammaanka , bixinta deymaha iyo baahiyaha kale ee kenyaanka.
Barnaamijka ay warshadda hilibka ee KMC oo uu maamulo militariga wadanka xoolo dhaqatada kaga iibsanaya xoolaha ayay dowladda u qoondeysay 1.4 bilyan oo shilin halka 1.2 bilyan la siinaya waaxda dowlad wadaajinta si ay ugu adeegsato dadaallada tooska ah ee lagu xakameynaya saameynta abaarta.
Sidoo kale 2.4 bilyan oo shilin waxaa la siinaya waaxda badbaadinta bulshada, waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in cunno loogu iibiyo qoysaska ay abaarta saameysay.
Sidoo kale waaxda maareysa abaarta ku dhufata deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ayaa loo qoondeeyay lacag dhan 900 oo milyan oo shilin.
Dhanka amniga waxaa loo qoondeeyay 950 milyan oo dheeraad ah si loo shaqaaleysiiyo ciidamo boolis oo dheeraad ah oo qayb ka noqonaya sugidda amniga dalka ka hor codeynta guud.
Arrimaha tacliinta waxay dowladdu dhaqangelinta manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC u qoondeysay 6.9 bilyan oo shilin.
Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa laga doonaya inuu lacagtan u isticmaalo musharaadka macallimiinta , tababarrada iyo qarashaadka kale.
Wasaaradda waxbarashada waxaa miisaaniyadda dheeraadka ah ee uu maanta saxiixay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta looga qoondeeyay 2 bilyan oo ay ku dhisayso fasallo dheeraad ah si looga gudbo nidaamkii hore ee 8.4.4 .
Waaxda horumarinta deegaannada ee loo yaqaano CDF-ta ayaa loo qoondeeyay miisaaniyad dhan 4.9 bilyan oo shilin sida ku cad bayaanka madaxtooyada wadanka.
Dhaqaalahan ayaa lagu dhameystiraya mashaariicda horumarineed ee deegaan baarlamaneedyada halka sidoo kale ardayda looga bixinaya qarashaadka tacliinta.
Xeerarka kale ee uu saxiixay madaxweynaha waxaa ka mid ah isbeddel lagu sameeyay xuquuqda lahaanshaha wax curinta ee 2021 Copyright (Amendment) Bill,midka keydka caymiska oo wax laga beddelay ee 2020 Kenya Deposit Insurance (Amendment) Bill, sidoo kale isbeddel lagu sameeyay xeerka tababarrada waaxyaha ee sanadkan 2022 Industrial Training (Amendment) Bill, iyo xeerka shaqaaleysiinta ee sanadkii 2019-kii oo isbeddel lagu sameeyay ee 2019 Employment (Amendment) Bill.
Xeerka ilaalinaya xuquuqda lahaanshaha waxaa uu qeexaya in qofka wax curiyay tusaale heesaaga aan la siin karin wax ka yar boqolkiiba 52 ee dakhliga ka soo xarooday shaqada uu qabtay ee uu fikirkeeda lahaa.
Midka dhanka shaqaaleysiinta waxaa ku cad in dadka shaqo doonka ah laga dalban karo shahaadooyinka u hoggaansanka arrimaha kala duwan sida canshuur bixinta, hufnaanta ka dib keliya marka shaqada la siinaya.
Waxaa uu horay nidaamku ahaa in shahaadooyinka la iska dalbado marka codsiyada shaqo la diraya.
Xeerarka shanta ah ee uu shalay saxiixay madaxweynaha dalka waxaa ku wareejiyay qareenka dowladda Kennedy Ogeto.
Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda Ukur Yatani, xeer ilaaliyaha guud Paul Kihara iyo guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi.
Sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya, guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka Kanini Kega iyo karaaniga golaha qaran ee xeer dejinta Michael Sialai.