Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo heshiis dhamaystiran gaaray

0
375

Kulan ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxmad Xuseen Rooble ayaa looga wada hadlay qodobbo dhowr ah oo markii hore madaxda qaranku ku kala aragti duwanaayeen sida.
1. Dardar gelinta howlaha Dooroshoyinka.
2. Xoojinta wadashaqeynta iyo dardar galinta Hay’adaha Amniga Qaranka.
3. Xallinta kala aragti duwanaanshihii ka dhashay hoggaanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ).
4. Cadaalad u helidda Kiiska Sarkaaalad NISA horay uga tirsanayd balse la waayay ee Ikraan Tahliil Faarax.
Kulankaan ayay warka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya waxaa lagu sheegay inuu ku qabsoomay jawi wanaagsan Madaxduna ay diiradda ku saareen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo danaha Qaranka waxaana la isku raacay qodobadan:
1. Ayadoo la tixgilinayo dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
2. In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyagoo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa.
3. In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale e dalka u taala.
4. In Janaraal Bashiir Goobe loo magacaabo Wasiiru Dowle.
5. Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.
6. Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu inay gacan ku siiyaan.
Ugu danbayn, Madaxda Qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Moxamed (Lafta gareen) iyo masuuliyiinta kale ee u dhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhexjirey loogu dhameyn Lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna u socoto si habsami leh.
Sidoo kale warkaan ayaa lagu sheegay in Madaxda ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed sida ay uga xunyihiin walwalkii ay dareemeen maalmihii la soo dhaafay iyagoo u ballanqaaday shacabka in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhicilahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.