Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo aan ka faa’iidi doonin mushaar kordhinta SRC

0
424

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaan sanad maaliyadeedkan loo sameyn doonin mushaar kordhinta ay helayaan shaqaalaha kale ee dowladda dhexe.
Guddoomiyaha guddiga SRC ,Lyn Mengich ayaa sheegtay inay tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in aan isaga iyo ku xigeenkiisa loogu darin lacagta ay bil kasta mushaar ahaan u qaataan.
Waxay tani micnaheedu tahay in mushaarka hoggaamiyaha wadanka uu sii ahaan doono 1.44 milyan halka ku xigeenkiisa uu qaato 1.22 milyan oo shilin.
Dib u eegista guddiga waxaa ku cad in wasiirrada ay qaadan doonaan 957,000 oo shilin halka hadda la siiyo 924,000, tani oo u dhiganta koror gaaraya boqolkiiba 3.5