Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa shaaciyay inuu cafis u fidiyay hoggaamiyihii hore ee wadankaasi muddo dheerna ay iska soo horjeedeen Laurent Gbagbo.
Tallaabadan ayuu sheegay inay tahay mid lagu xoojinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Ivory Coast.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay qayb ka tahay dadaallada dib u heshiisiinta inta aan la gaarin doorashada guud ee wadankaasi ka dhici doonto sanadka 2025.
Madaxweyne Ouattara ayaa arrintan sheegay xilli uu jeediyay khudbad qaran saacado un ka hor inta aan loo dabbaal degin maalinta madax bannaanida Ivory Coast.