Waxaa galinkii dambe ee shalay dalka soo gaartay madaxweynaha wadanka Itoobiya Sahle-Work Zewde.
Waxaa madaxweynaha iyo wafdigeeda gagida caalamiga ee diyaaradaha(JKIA) ee magaalada Nairobi ku soo dhaweysay wasiiradda wasaaradda ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha ee dalkani Kenya Rebecca Miano.
Madaxweynaha Itoobiya ayaa u timid ka qayb galka xuska 60-aad ee Jamhuri Day oo berri la qaban doono.
Xuskan qaran ayaa la qabtaa sanad kasta 12-ka bisha Diseembar iyadoo la xusuusanaya xilligii ay Kenya noqotay dal madax bannaan ka dib guumaysigii Ingiriiska.
Wasiiradda ganacsiga ee dalka ayaa sheegtay in Kenya iyo Itoobiya ay wadaagaan saaxiibtinnimo soo jireen ah oo ku saleysan in laga wada faa’iido ganacsiga iyo iskaashiga.