Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilka ka qaaday mid ka mid ah wasiiradiisa

0
384

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xilkii ka qaaday Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Maxamed Cilmi.
Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe ayaan lagu shaacisan sababaha keenay xilka qaadista Masuulkaan, iyadoo aysan jirin mas’uul kale oo Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu u Magacaabay xilkaas.
Xilka qaadista uu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) uu ku sameeyay Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga ee Maamulkiisa ayaa kusoo aaday xilli shalay Baraha Bulshada lagu faafinayay qoraalka Haweeneey sheegtay in lacag dhan 1,500$ uu uga cunay in Visa Turki ah u soo saarayo.
Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Maxamed Cilmi Ee xilka qaadista lagu sameeyay ayaan isana ilaa iyo hadda ka hadlin xilka qaadistaas iyo qoraalada la wareejinayo Baraha Bulshada toona.