Madaxweynaha Guinea-Bissau oo dalka safar ku joogo

0
482

Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embaló ayaa Kenya ku yimid safar qaadanaya saddex cisho.
Waxaa mas’uulkan garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku soo dhaweysay wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Raychelle Omamo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inta uu madaxweynaha Guinea-Bissau ku sugan yahay gudaha wadanka inuu dhigiisa Kenya madaxweyne Uhuru Kenyatta la qaadan doono wada hadallo laba geesood ah.
Kulamada ayaa ah kuwo lagu xoojinaya xiriirka ay wadagaan labada waddan.
Kenya iyo Guinea-Bissau ayaa si gaar ah iskaga kaashanaya dhinacyada ganacsiga, maalgashiga , waxbarashada, caafimaadka , wax soo saarka beeraha, amniga , gaadiidka , kheyraadka biyaha si gaar ah badda , hal-abuurka iyo sare u qaadidda kartida shaqaalaha si labada dowladood ay uga wada faa’iidaystaan.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa abaare 11-ka barqanimo ee maanta si rasmi ah madaxtooyada State House ugu qaabili doono dhigiisa Guinea-Bissau ka hor inta wufuud matalaysa labada dhinac aynan wada hadallo yeelan sida laga soo xigtay afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena Mararo.