Madaxweynaha Gambia oo ballanqaaday isbeddelo dhaqaale

0
812

Madaxweynaha dalka Gambia Adama Barrow oo markii labaad loo dhaariyay hoggaanka wadankaasi ayaa ballanqaaday inuu sameyn doono isbeddelo waawayn oo dhanka dhaqaalaha ah.
Adama Barrow ayaa xusay in laga billaabo sanadkan ilaa 2027-ka si wayn loo kobcin doono wax soo saarka dalkaasi.
In kastoo cudurka COVID-19 uu si la mid ah waddamada kale ee caalamka saameeyay dhaqaalaha Gambia haddana waxay wararku sheegayaan inuu sanadkii hore dib u soo kabtay boqolkiiba 5.
Barrow oo 56 sano jir ah ayaa talada Gambia qabtay sanadkii 2017-kii ka dib markii uu loolanka kaga adkaaday Yahya Jammeh.
Bishii hore ayay ahayd markii uu mar labaad ku guulaystay codeynta isagoo helay boqolkiiba 53 ee codadka la dhiibtay.
Waxaa natiijada ka soo horjeestay madaxa xisbiga mucaaradka ee UDP Ousainou Darboe isagoo maxkamadda ugu sarreysa wadankaasi dacwad u gudbiyay.
Waxaa uu ku doodayay in Barrow uunan si caddaalad ah ku guulaysan hasa ahaate maxkamadda ayaa racfaankaasi laashay.