Madaxweynaha dalka Filibiin Ferdinand Marcos Junior ayaa lagu soo warramayaa inuu u yeeray safiirka halkaasi ku matalo Shiinaha.
Waxaa uu doonaya inuu la wadaago walaaca xooggan ee ay ka muujinayaan warbixinnada sheegaya in mid ka mid ah maraakiibta ciidamada ilaaliya badda ee Shiinaha uu sameeyay dhaqdhaqaaq khatar ah si uu markab laga leeyahay Filibiin uga hor istaago adeegsiga badda Koonfureed ee Shiinaha.
Xafiiska madaxweynaha Filibiin ayaa bayaan ku sheegay in Marcos uu dhaliilay dhaqdhaqaaqa maraakiibta Shiinaha ee la soo tabiyay 6-dii bishan.