Madaxweynaha dalka Filibiin Ferdinand Marcos Junior ayaa sheegay in dowladiisa ay murugada la qaybsanaysa oo ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda jasiiradda Taiwan.
Tani ayaa timid ka dib dhulgariir halkaasi ku dhuftay oo sidoo kale laga dareemay Filibiin.
Qoraal uu soo dhigay barta X ayuu ku sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalaya xaqiijinta badqabka ku dhawaad 160,000 oo qof oo u dhashay Filibiin kuwaasoo ku nool Taiwan.
Waxaa uu xusay in ay diyaar u yihiin in ay jasiiradaasi u fidiyaan caawimaad kasta oo ay awoodaan xilligan adag.
Dhanka kale xafiiska dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Taiwan ayaa ka tacsiyadeeyay dhimashada ka dhalatay dhulgariirka.
Afhayeenka xafiiskan Zhu Fenglian, ayaa sheegtay in ay xaaladda si dhow ula socdaan oo ay diyaar u yihiin in ay gurmad fidiyaan.
Taiwan ayaa saaka sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha jasiiradaasi lagu arkay ilaa 30 ah diyaaradaha militariga ee Shiinaha.




