Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron iyo madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa lagu wadaa inay maanta safar ku tagaan Shiinaha.
Waxay halkaasi ku joogi doonaan booqasho rasmi ah oo qaadanaysa saddex cishe iyadoo uu qorshuhu yahay inay la kulmaan madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Macron ay wehelinayaan wafdi ka kooban in ka badan 50 qof oo ah madaxda fulinta ee shirkadaha wuxuuna la kulmi doonaa jaaliyadda ganacsatada Faransiiska ee ku nool Shiinaha.
Hasa ahaate waxaa si wayn loo wada sugaya qaabka ay isaga iyo von der Leyen Shiinaha ugala hadli doonaan duullaanka militari ee uu Ruushku weli ku hayo Ukraine.