Madaxweynaha Faransiiska oo saacada soo socdo la kulmi doono dhigiisa Ruushka

0
396

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu magaalada Moscow kula kulmo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.
Dadaalka uu wado madaxweynaha Faraansiiska ayaa ah kan ugu sarreeya ee hoggaamiye reer galbeed ah uu ku bixinaya hoos u dhigidda colaadda u dhexeyso dowladaha Ruushka iyo Ukraine.
Labada mas’uul ayaa kawada hadli doono hoos u dhigidda xasaradda u dhexeysa xukuumadda Moscow iyo dowladda dariska la ah ee Ukraine.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa is barbar socday dadaallo dibloomaasiyadeed iyo hanjabaado la doonayo in looga hor tago duullaan la aaminsan yahay in dowladda Ruushka ay la damacsan tahay Ukraine.
Tuhunka ka dhanka ah Moscow ayaa yimid ka dib markii meel u dhow xadka ay la wadaagto Ukraine ay gaysay in ka badan 100,000 oo ciidan in kastoo ay beenisay inay duullaan qorsheynayso.
Ruushka ayaa dowladda Maraykanka iyo gaashaanbuurta NATO ku eedeysay hoos u dhaca dhanka amniga ee gobolka.