Madaxweynaha Faransiiska oo garab istaag u muujiyay Israa’iil

0
211

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo maanta tagay magaalada Tel Aviv ayaa sheegay in Israa’iil aynan keligeed ku ahayn la tacaalidda Xamaas.
Macron ayaa sheegay in labada dal ay leeyihiin hal cadow oo argagixisada ah.
Shir jaraai’d oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayuu arrimahan ka sheegay.
Weerarkii ay Xamaas fulisay 7-dii bishan ayaa dadkii ku dhintay oo kor u dhaafaya 1,400 qof waxaa ka mid ahaa 30 u dhashay Faransiiska.
Emmanuel Macron ayaa ku taliyey in la soo dhiso isbeheysi ka dhan ah ISIS iyo Xamaas isagoo sheegay in dowladda Faransiiska ay diyaar u tahay isbeheysigan heer caalami ah..
Waxaa uu xusay in dagaalka ay Daacish kula jiraan ee gudaha Ciraaq iyo Syria inay sidaasi si la mid ah ula dagaallamayaan Xamaas.
Macron ayaa dhanka kale Netanyahu u sheegay in xasiloonida bariga dhexe ay ku jirto in khilaafka kala dhexeya Falastiin lagu wajaho qaab siyaasadeed.

 

24/10/2023