Madaxweynaha Faransiiska oo bisha 4-aad u safri doono Shiinaha

0
307

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaciyay in bisha Afaraad ee sanadkan uu safar ku tagi doono Shiinaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in socdaalkiisa uu ku saabsan yahay sidii uu xukuumadda Beijing uga codsan lahaa inay taageerto soo afjaridda duullaanka militari ee uu Ruushku weli ka wado gudaha Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii Shiinaha uu soo bandhigay soo jeedinno ka kooban 12 qodob oo ku aaddan sida looga gudbi karo colaadda Ukraine ka socotay in ka badan hal sano.