Madaxweynaha Falastiin oo baaq u diray Xamaas

0
637

Madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ururka Xamaas ee waddankaasi ka codsaday inuu siidaayo maxaabiista u xiran ee Israa’iiliyiinta ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haysashada maxaabiistan ay Israa’iil qiil uga dhiganaysa weerarrada ay sii wado ee Marinka Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kooxaha samatabixinta ay sheegeen in ay heleen meydadka ugu yaraan 25 qof oo ay Israa’iil ku dishay guud ahaan Qaza.
Dhanka kale , dowladaha Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa Israa’iil ugu baaqay in ay soo afjarto xannibaadda ay saartay in gargaar baniaadannimo la geeyo Qaza.