Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa uga digay dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya in ay dagaal cusub ku sooqaadaan dalkiisa iyadoo gobolka Geeska Afrika ay ka taagan tahay xiisad colaadeed.
Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir aan wanaagsaneyn tan iyo markii lagu dhawaaqay madax-bannaanida Eritrea sanadkii 1993-kii, iyadoo tobanaan kun oo qof lagu dilay dagaal dhexmaray labadooda sannadihii 1998-dii ilaa 2000.
Sida laga soo xigtay Xukuumadda Eritrea xiisadan cusub ayaa ku xeeran rabitaanka Itoobiya ee marin baddeed.
Afwerki oo gacan bir ah ku xukumay Eritrea tan iyo markii ay xornimada qaadatay, ayaa uga digay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed in uusan isku dayin inuu rabitaankiisa badeed u adeegsado dagaal.
Abiy ayaa waxaa uu heshiis nabadeed la saxeexday Afwerki wax yar ka dib markii uu xukunka qabtay 2018-kii, laakiin dagaal gacan ka hadal ah ayaa ka qarxay gobolka Tigray ee Itoobiya sannadihii 2020 ilaa 2022-kii iyada oo ciidammada Eritrea ay taageerayaan fallaagada halkaas kula dagaallamaysay ciidammada Itoobiya.
Ugu yaraan 600,000 oo qof ayaa lagu dilay iskahorimaadka, sida lagu sheegay qiyaasta Midowga Afrika.
Abiy ayaa ku celceliyay in Itoobiya ay qasab ku tahay in ay hesho marrin baddeed, balse loo maro qaab nabadeed.




