Madaxweynaha DRC oo la filayo inuu maanta wadanka yimaado

0
548

Waxaa uu qorshuhu yahay inuu maanta dalka soo gaaro madaxweynaha jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ,Felix Tshisekedi.
Waxaa uu gudaha wadanka ku sugnaan doonaa labo cisho ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Tshisekedi ayaa inta uu Kenya joogo waxaa uu saxiixi doonaa heshiis ah in dowladiisa ay si dhow ula shaqeyn doonto waddamada xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee EAC oo dhawaan DRC ay ku biirtay.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa hadda ah guddoomiyaha EAC oo ay sidoo kale xubno ka yihiin dalalka Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda.