Madaxweynaha dalka oo xildhibaannada ugu baaqay ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda

0
410

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mudanayaasha baarlamaanka ku boorriyay in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxaa uu sheegay in tani ay suuragelin doonto in si joogto ah loo shaqaaleysiiyo ardayda soo bartay culuunta macallinnimada.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay xafladda qalin jabinta ee dufcada 5-aad ee jaamacadda magaalada Garissa oo uu khudbad ka jeedinayay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ay horseedi doonto in la maalgeliyo howlaha caafimaadka iyo barnaamijka cunnada ee dugsiyada.
Ruto ayaa ardayda qalin jabinaya ee jaamacadda Garissa ku bogaadiyay in ay adkeysi muujiyeen oo aynan marnaba ku niyad jabin weerarkii jaamacadaasi lagu qaaday sanadkii 2015-kii halkaasi oo lagu dilay ilaa 148 qof.