Madaxweynaha dalka oo xil u magacaabay Rashiid Echesa

0
244

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasiirkii hore ee cayaaraha Rashiid Echesa u magacaabay guddoomiyaha guddiga wakaaladda taawarrada biyaha ee wadanka ee (KWTA).
Wakaaladdan ayaa maareysa taawarrada dhaadheer ee lagu rakibo taangiyada biyaha qaybiya.
Echesa ayaa xilkan hayn doono muddo Saddex sano ah oo maanta ka billaabanaysa sida uu madaxweynaha dalka William Ruto ku shaaciyey wargeyska rasmiga ee dowladda.
Waxaa uu xilkan kala wareegaya Robert M. Kariuki.
Rashiid Echesa ayaa horay looga saaray golihii wasiirrada ee madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ka dib markii lala xiriiriyay heshiis dhanka hubka oo lagu tilmaamay mid khiyaano ahaa qiimo ahaanna gaarayay 39 bilyan oo shilin.