Madaxweynaha dalka oo xil u magacaabay Makau Mutua

0
633

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa Prof .Makau Mutua u magacaabay la-taliyihiisa sare ee dhanka arrimaha dastuurka.
Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in Makau Mutua uu yahay aqoonyahaan waaya aragnimo xeel dheer u leh arrimaha dastuurka iyo xuquuqul aadanaha.
Prof. Makau Mutua ayaa horay u ahaa afhayeenka isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja .
Waxaa uu ka mid noqonaya saaxiibbada Raila Odinga ee ku biiray maamulka talada haya.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto iyo Raila Odinga ay ku heshiiyeen in la sii ballaariyo maamulka dowladeed.