Madaxweynaha dalka oo xaqiijiyey in canshuurta loo adeegsan doono horumarka

0
103

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in sida habboon loo adeegsado shilin kasta oo ay kenyaanka u bixiyaan canshuur ahaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay ku dadaalayaan sidii hay’adaha dowliga ah ay ugu shaqeyn lahaayeen qaab daahfuran oo hufnaan ku saleysan.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in dowladdu ay sameynaysa isbeddello maaliyadeed si loo daboolo dulduleellada dhanka canshuur bixinta.
Sidoo kale , waxaa uu tilmaamay in la habeyn doono qarashaadka ku baxa howlaha dowladda si kheyraadka loogu adeegsado barnaamijyada saameynta ugu wanaagsan ku yeelanaya dhinacyada bulshada iyo dhaqaalaha.
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad xalay ka qabsoontay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi oo loogu dabbaal degeyay sanadguuradii 30-aad ee maamulka canshuuraha dalka ee KRA.