Madaxweynaha xilka ka sii degaya Uhuru Kenyatta ayaa aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay hoggamiyaasha diimeed ee dalka.
Mr. Kenyatta ayaa ballanqaaday in geedisocodka kala guurka ah ee uu xilka ku wareejinayo uu noqon doono mid sida habboon loo maareeyo oo nabad ah.
Kooxaha diimaha ee kala duwan ee uu madaxweynaha dalka la kulmay ayaa kala ahaa Anthony Muheria oo ka mid ah hoggaamiyaasha diimeed ee ismaamulka Nyeri, Jackson Ole Sapit oo ka mid ah baadariyaasha wadanka iyo ku xigeenka guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta dalka ee (SUPKEM) Xasan Ole Naado.
Waxaa ay madaxweyne Uhuru Kenyatta ku ammaaneen hoggaamintiisa iyo sida uu uga shaqeeyay nabadda, xasiloonida iyo wada jirka shacabka Kenyaanka ah.
2/2
The religious leaders expressed gratitude to the Head of State for working towards a united Kenya by creating a path of inclusivity for all Kenyans.The President thanked the religious leaders for their support and assured them that the process of transition will be smooth. pic.twitter.com/dJv57brS9q
— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 18, 2022