Madaxweynaha dalka oo xalay khudbad u jeediyay Kenyaanka

0
409

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku eedeynaya mucaaradka inay halis gelinayaan qorshaha dowladda.
Isagoo ka hadlayay dhambaalkiisa sanadka cusub, ayuu madaxweyne Ruto ku eedeeyay mucaaradka inay marin habaabinayaan oo ay wax u dhimayaan gaarsiinta barnaamijyada dadweynaha.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay guulahiisa isagoo muujiyay waxqabad siyaasadeed , barnaamijyo mashruuc ah iyo faragelin istiraatijiyadeed oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo Ajendaha Isbeddelka Dhaqaalaha ee BottomUp.
“Siyaasadda la is-hortaago iyo in xukuumadda lala xisaabtamo waxba kuma jabna, ayuu yiri Madaxweynaha dalka.
Dr Ruto oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri Kenyanku waxay si cad u muujiyeen sida ay ugu heelan yihiin raadinta fursadaha horumarka dalkani Kenya.
Dhinaca kale Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Sannadka cusub, la sii wadi doonno isbeddellada caafimaad ee heerarka caafimaadka sare .
Waxaa uu intaas ku daray in qof kasta oo Kenyaan ah uu heli doono caymis caafimaad, iyo daawaynta cudurrada daba-dheeraada sida kansarka, dhiig-karka iyo sokorowga iyada oo aan la takoorin.
Dhanka kale Madaxweyne William Ruto ayaa khudbadiisa ku sheegay in Sicir-bararka uu hoos u dhacay boqolkiba 6.8%, waxaa uuna sheegay in kobaca dhaqaalaha dalka uu koray boqolkiba 5.4%, taasoo Kenya ka dhigaysa dalka 29-aad ee ugu dhaqsaha badan adduunka dhanka kobaca dhaqaalaha.
Dhinaca kale Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Saamaynta dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha adduunka uu si xun u saameeyay Kenya ,waxaa uuna sheegay inay u sii dheertahay dagaalladii Yurub iyo saameynta aan wanaagsanayn ee isbeddelka cimilada ee sababay abaartii ugu darnayd muddo 40 sano ah.
Dhammaan arrimahan ayaa hoos u dhigay waxqabadkeena dhaqaale taaso keentay in qiimaha badeecadaha uu kordho ayuu Yiri hogaamiyaha ugu sarreeya ee dalka.