Madaxweynaha dalka oo xalay fiidkii gaaray wadanka Guinea Bissau

0
183

Madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugnaa Ghana ayaa xalay fiidkii safar ku tagay wadanka Guinea Bissau.
Waxaa uu halkaasi wada hadal kula yeelan doonaa dhigiisa ,Umaro Mokhtar Sissoco Embalo si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Ruto iyo Embalo ayaa wada hadalkooda diiradda ku saari doono fursadaha iskaashiga ee laga wada faa’iidaysan karo iyadoo loo maraya agga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika.
Dhinacyada ay Kenya iyo Guinea Bissau iska kaashanayaan waxaa ka mid ah arrimaha beeraha , wax soo saarka , tikonolojiyadda iyo kuwo kale.