Madaxweynaha dalka oo wasiirrada uga digay ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa

0
233

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xubnaha golihiisa wasiirrada uga digay inay ku takriifalaan awoodooda oo ay si aan habboonayn u adeegsadaan kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka wasiirrada kula taliyey inay si hufan ugu adeegaan qaranka.
William Ruto ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyey inay ka soo baxaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu madaxweynaha dalka Isniintii shaqada ka joojiyey xoghayihii wasaaradda caafimaadka ee dlaka Dr. Josephine Mburu iyo madaxii fulinta ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee (KEMSA) Terry Ramadhani.
William Ruto ayaa sidoo kale kala diray xubnaha guddiga maamulo KEMSA.
Madaxweynaha oo shalay guddoomiyey shirka golaha wasiirrada ayaa wacad ku maray in maamulkiisa uunan marnaba u dul qaadan doonin falalka musuqmaasuqa.