Madaxweynaha dalka oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirro dhowr ah

0
133

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi warqadaha aqoonsiga danjirennimo uga guddoomay safiirro dhawaan la soo magacaabay.
Danjireyaashan ayaa kala ah Moravia Peralta Hernandez (Venezuela), Alfred Musemuna (Zambia), Vsevolod Tkachenko (Russia), Hiroshi Matsuura (Japan), Sahak Sargsyan (Armenia) iyo Andris Razans (Latvia).
Madaxweyne Ruto ayaa safiirradan kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sare u qaadidda xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo dalalkooda ay halkan ku matalaan.
Waxaa uu sidoo kale sagootiyay safiirka xafiiska banneynaya ee Shiinaha ku matalayay Kenya Ambasadoor Zhou Pingjian.
William Ruto ayaa danjiraha ku bogaadiyay inuu dadaal badan ku bixiyay ka shaqeynta danaha labada waddan.