Madaxweynaha dalka oo wada hadal la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya

0
226

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay ra’iisul wasaaraha waddankaasi Dr. Abiy Axmed.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in dowladaha Kenya iyo Itoobiya uu ka dhexeeya xiriir adag oo soo jireen ah.
Waxaa uu xusay in xiriirkan uu ku qotomo daris wanaag iyo iskaashi dibloomaasiyadeed oo awood leh.
Wada shaqeyntan ayaa ku dhisan is ixtiraam , wax wada qabsi, xoojinta xasilloonida iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.
William Ruto ayaa sheegay in xiriirka Kenya iyo Itoobiya uu ku saleysan yahay heshiis maqaam gaarka ah leh oo la saxiixay sanadkii 2012-kii.
Waxaa uu is-afgaradkaasi gundhig u yahay in la sii ballaariyo wada shaqeynta dhanka horumarinta kaabayaasha , tamarta, ganacsiga, maalgashiga iyo isdhexgalka gobolka.
Ruto iyo mas’uuliyiinta kale ee halkaasi ku sugan ayaa ka qayb galaya shirweynaha labaad ee qaramada midoobay ee qiimeynta nidaamyada cunnada.