Madaxweynaha dalka oo waalidiinta ugu baaqay inay la dagaallamaan isticmaalka balwadda

0
346

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu waxaa uu waalidiinta ka codsaday inay kaalin ka qaataan la dagaalanka isticmaalka balwadda ee saameynta ku yeelatay qaar ka mid ah dhallinyarada wadanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa waalidiinta ku boorriyay inay ka soo baxaan waajibaadka ka saaran korinta iyo abaabinta da’yar mas’uuliyad qaadi karo.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in waalidiinta laga doonaya inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa iyo dhaqanka carruurtooda.
Waxaa uu arrin laga qoomamoodo ku tilmaamay dhibaatooyinka ay dhallinyarada kala kulmaan isticmaalka maandooriyaha isagoo xusay in loo baahan yahay dadaallo loo dhan yahay si caqabaddan xal loogu helo.