Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha la doortay ee wadanka Pakistan ,Mian Maxamad Shehbaz Shariif .
Qoraal uu soo saaray ayuu madaxweyne William Ruto ku sheegay in Shehbaz uu u qalmay guusha uu soo hooyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabada lagu doortay mas’uulkan ay caddeyn u tahay hoggaan isbeddel horseedaya.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Kenya ay rajeynaysa in ay si dhow ula shaqeyso xukuumadda cusub ee Pakistan si loo sii wanaajiyo xiriirka labo geesoodka ah.
Shalay ayay ahayd markii xeer dejiyaasha dalka Pakistan ay xilka Ra’iisul Wasaaraha u doorteen ,Mian Maxamad Shehbaz Shariif .
Waxaa u codeeyay 174 xildhibaanno ah sida uu shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi Sardar Ayaz Sadiq.
Shehbaz ayaa horay u soo qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha ee Pakistan intii u dhexeysay bishii Afaraad ee sanadkii 2022-kii iyo bishii 8-aad ee sanadkii 2023-kii.