Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska

0
361

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ra’iisul wasaaraha cusub ee boqortooyada Ingiriiska Rishi Sunak.
Mas’uulkan ayaa shalay loo dhaariyay xilkiisa ka dib markii uu doortay xisbiga talada Britain haya ee Conservative Party.
Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa bayaan ku sheegay in Kenya ay diyaar u tahay inay sii wado iskaashiga soo jireenka ah ee kala dhexeya UK.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay ka wada faa’iidayaan shacabka labada dhinac.
Waxaa uu xusay in wax lagu faano ay tahay horumarka ay Kenya ku tallaabsatay ee dhanka iskaashiga ay la leedahay waddamada kale ee caalamka.