Madaxweynaha dalka oo u hambalyeeyay dhigiisa Azerbaijan oo dib loo doortay

0
192

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa wadanka Azerbaijan , Ilham Aliyev oo mar kale la doortay.
Waxaa uu u sheegay in guushiisa ay caddeyn u tahay kalsoonida ay shacabka ku qabaan hoggaamintiisa.
William Ruto ayaa xusay in dowladaha Kenya iyo Azerbaijan uu ka dhexeeyo xiriir adag oo soo jireen ah.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in xiriirka dibloomaasiyadeed ee labada waddan oo soo billowday sanadkii 2004-tii uu yahay mid ku saleysan saaxiibtinnimo.
Waxaa uu tilmaamay in isaga iyo Aliyev ay haystaan fursad ay ku sii xoojin karaan wada shaqeyntooda iyo dhinacyo cusub oo ay dalalkooda iska kaashanayaan iyadoo laga heshiinaya waxyaabaha mudnaanta leh.
Qoraalka madaxweynaha dalka waxaa ku cad inuu kalsooni ku qabo hoggaanka madaxweynaha Azerbaijan.
Dhinacyada ay iska kaashan karaan ayuu William Ruto ku sheegay ganacsiga , maalgashiga , tamarta , wax ka qabashada isbeddelka cimillada iyo arrimaha dalxiiska.