Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaaray magaalada Arusha ee waddanka Tanzania.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya meertada 24-aad ee kulanka caadiga ah ee madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in madaxda ay ka arrinsanayaan xallinta caqabadaha ugu waawayn ee ay wajahayaan dalalka xubnaha ka ah Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC).
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale diiradda saari doono istaraatiijiyooyinka lagu dardargelinaya isdhexgalka dhaqaale, xoojinta u adkeysiga isbeddelka cimillada ee gobolka iyo wax ka qabashada amni darrada .
Xuseen Maxamad ayaa bayaanka ku sheegay in madaxweyne William Ruto uu u ololeyn doono in meesha laga saaro xaddidaadda dhanka ganacsiga.
Ruto ayaa sidoo kale madaxda ka codsan doono in ay ka wada shaqeeyaan iskaashiga dhinaca tamarta, beeraha iyo hal-abuurka casriga ah si shaqo abuur loo sameeyo oo loo wanaajiyo nolosha shacabka.
Madaxda ayaa sidoo kale ka wada xaajoon doono tallaabooyinka lagu xoojinaya nabadgalyada iyo amniga oo ay ka mid tahay xallinta dembiyada xudduudaha ka gudba, maareynta soodhimaha iyo xal u helidda iskudhacyada.
Waxaa sidoo kale shirka lagu soo hadal qaadi doonaa geeddisocodka nabadda ee Suudaanta Koonfureed iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo ee DRC.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale kulan dooceedyo la qaadan doonaa madaxda ku kulmaysa shirka EAC-da.