Madaxweynaha dalka oo u ambabaxay Maraykanka

0
277

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa safar rasmi ah ugu ambabaxay Maraykanka sida uu bayaan ku sheegay afhayeenka madaxtooyada wadanka ee State House, Xuseen Maxamad.
Safarka madaxweynaha ayaa ah mid lagu xoojinaya xiriirka ganacsi ee labada waddan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa booqan doono Silicon Valley oo ka tirsan magaalada San Francisco ee gobolka California halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta shirkadaha tiknolojiyadeed ee Microsoft, Intel, Google Apple iyo kuwo kale.
Tani ayaa la filayaa inay sare u sii qaaddo fursadaha maalgashi ee gudaha wadanka.
William Ruto ayaa shirkadaha Maraykanka la wadaagi doono sida ay uga faa’iidaysan karaan hibooyinka da’yarta kenyaanka ah.
Madaxweynaha ayaa intaasi ka dib magaalada New York ee Maraykanka uga qayb geli doono kal-fadhiga 78-aad ee shirka golaha guud ee qaramada midoobay.
Kulanka ayaa lagu qiimeynaya horumarrada laga gaaray ujeeddooyinka hiigsiga horumarka waara ee sanadka 2030-ka ee (SDGs) waxaana sidoo kale looga arrinsan doonaa caqabadaha caalamka ee ay ka midka yihiin isbeddelka cimillada iyo walaaca ay waddamada qaar ka muujinayaan deymaha shisheeye ee lagu leeyahay.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale ka qayb geli doono kulanka arrimaha cimillada ee uu marti gelinaya xoghayaha guud ee qaramada midoobay oo daba socdo midkii Afrika ee 6-dii bishan lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.
Madaxweynaha dalka ayaa inta uu ku sugan yahay Maraykanka waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar ka mid ah hoggaamiyaasha caalamka.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa galinkii dambe ee shalay kulan la qaatay siyaasiyiinta dhawaan laga saaray xisbiga mucaaradka ee ODM.
Madaxdan ayaa wacad ku maray inay la shaqeyn doonaan maamulka madaxweyne William Ruto .
Intii uu kulanka socday , hoggaamiyaasha ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay go’aanka dowladdu ay qaadatay ee lagu xallinaya dhibaatooyin taariikhi ah oo ay wajahaysa waaxda sonkorta ee dalka.
Waxay ballan qaadeen inay taageeri doonaan hindise sharciyeedka sonkorta ee lagu wado inuu maanta baarlamaanka ka doodo.
Sidoo kale waxay madaxweyne Ruto ka codsadeen inuu socdaal dhanka horumarka ah uu ku tago gobolka Nyanza.
Xildhibaanka deegaanka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi Phelix Odiwuor ayaa bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay kulanka ay la qaateen madaxweynaha dalka.
Waxaa shirkaasi sidoo kale ka qayb galay mudanaha deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya Gideon Ochanda, dhigiisa Gem, Elisha Odhiambo, xildhibaanka Uriri Mark Nyamita, senatarka ismaamulka Kisumu Tom Ojienda iyo mudanaha Rongo, Paula Abuor.