Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa dowladda Talyaaniga ku bogaadiyay ugana mahadceliyay sida ay qaaradda Afrika ugu taageerayso in isbeddel lagu sameeyo hay’adaha sida Qaramada Midoobay, IMF, Bangiga Adduunka iyo kuwa kale ee la midka ah ee ka shaqeeya danaha guud.
Ruto ayaa sheegay in tallaabada ay dowladda Talyaaniga ku ansixisay iskaashi cusub oo ku saleysan in la wada faa’iidaysto oo ay la yeelanaysa qaaradda Afrika gaar ahaan dhanka tamarta uu dardargelin doono in caalamka laga yareeyo waxyaabaha hawada wasaqeeya oo horumarka dhinaca tamarta uu noqdo mid waara.
William Ruto ayaa hadda ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga halkaasi oo uu uga qayb galaya shirka u dhexeya dowladda wadankaasi iyo dalalka qaaradda Afrika.
In ka badan 20 madaxweynayaal ayaa ka arrinsanaya sida ay iskaga kaashan karaan dhinacyada helidda cuntada , waxbarashada , tamarta iyo horumarinta kaabayaasha.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa kulan-dooceed la qaatay agaasimaha fulinta ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP Cindy McCain.
Waxaa uu u sheegay in Kenya ay daneynaysa inay WFP kala shaqeyso la tacaalidda baahida iyo soo afjaridda macluusha.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in isaga iyo agaasimaha fulinta ee WFP ay ka wada hadleen sida la isku waafajin karo xeeladaha lagu kordhinaya soo saaridda cuntada ee gudaha Kenya.




