Madaxweynaha dalka oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kuuriyada Koonfureed

0
341

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Kuuriyada Koonfureed oo is-buurasho laga soo tabiyay ay ku dhinteen in ka badan 150 ruux.
Hoggaamiyaha dalka ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in Kenya iyo shacabkeeda ay murugada la qaybsanayaan Kuuriyada Koonfureed.
Arrintan ayaa wax yar un ka dib 10-kii habeennimo ee xalay ee saacadda wadankaasi ka dhacday degmada Itaewon ee caasimadda wadankaasi , Seoul xilli loo dabbaal degayay munaasabad dhaqameedka Halloween .
Iyadoo ay dhaawacmeen 82 qof oo kale ayay xukuumadda Seoul ku dhawaaqday baroor-diiq qaran.
Madaxweyne Yoon Suk-yeol ayaa ballanqaaday baaritaan wax ku ool ah oo lagu xaqiijinaya sababta ka dambeysay is-buurashada.