Madaxweynaha dalka oo taageeray haweeney loolan ugu jirto xilka xoghayaha guud ee hay’adda IMO

0
312

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mar kale xaqiijiyey tallaabada dowladda Kenya ay haweeney lagu magacaabo Nancy Karigithu ugu soo xulatay u tartamidda jagada xoghayaha guud ee hay’adda arrimaha badaha ee (IMO).
Ruto ayaa muujiyey kalsooni ah in Karigithu, ay waaya aragnimo wanaagsan iyo karti ku soo kordhin doonto hay’adda tani oo sida uu hadalka u dhigay ah tiirka ugu muhiimsan ee siyaasadda dibadda ee Kenya iyo si guud gobolka bariga Afrika.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in dowladda Kenya iyo Midowga Afrika ay beesha caalamka u soo bandhigayaan shakhsi aqoon iyo khibrad xeel dheer u leh arrimaha badaha.
Waxaa uu xubnaha hay’adda IMO iyo beesha caalamka ka codsaday inay taageeraan in Ambasadoor Nancy Karigithu uu qabto xilka xoghayaha guud ee hay’adda.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda Kenya ay taageero ka heshay Midowga Afrika xilli kulan heerkiisu sarreeyay lagu qabtay magaalada Lusaka ee dalka Zambia bartamihii bishii Toddobaad ee sanadkii hore.
Haddii la doorto waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee xilkan qabato.
Nancy Karigithu ayaa hadda ah ergeyga gaarka ee Kenya u qaabilsan kheyraadka badaha iyo arrimaha biyaha.
Hay’adda IMO ayaa ka shaqeysa xaqiijinta badqabka dhanka badaha.