Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo magacaabay guddi baaraya habdhaqanka garsoore Maxamad Nuur Kuulow oo ka howlgalo maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka.
Arrintan ayaa timid ka dib markii guddiga adeegga garsoorka ee dalka ee (JSC) oo ay hoggaamiso madaxa cadaaladda wadanka garsoore Martha Koome ay ku taliyeen in xilka laga qaado xaakinkan
Xaakinkan ayaa ku eedeysan inuu ku kacay habdhaqan xumo wayn.
Garsoore Maxamad Nuur Kuulow ayaa loo haystaa inuu ka dib dhacay ama uu ku guul dareystay inuu go’aamo ka soo saaro 116 kiisas ah.
Waxaa guddiga adeegga cadaaladda ee dalka ee JSC loo gudbiyay ilaa shan dacwadood oo lagu doonaya in xaakinka uu xafiiska banneeyo.
Martha Koome ayaa sheegtay in ka guddi ahaan ay ku qanceen 3 ka mid ah kiisaska la horgeeyay ee ka dhanka ah garsooraha kuwaasi oo la xiriira waxqabad xumo, habdhaqan aan wanaagsanayn iyo ku xadgudubka nidaamyada anshaxa ee u degsan JSC.
Xaakinka ayaa ka mid ahaa afar garsoorayaal oo kiiskooda loo gudbiyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Martha Koome ayaa laga soo xigtay in afarta garsoorayaal ee magacyadooda loo gudbiyay madaxweynaha dalka ay tan iyo bishii koowaad ee sanadkii hore ka timid cabashooyin gaaraya 85.
Hasa ahaate waxaa meesha laga saaray 37 dacwadahan ka mid ah oo aan lagu qancin.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo soo magacaabay guddi baaritaano ku sameeya habdhaqanka garsoore Maxamad...