Madaxweynaha dalka oo soo jeediyay in maalgelin ballaaran lagu sameeyo arrimaha cimillada

0
233

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maalgelin heer caalami ah ay muhiim u tahay horumarinta baniaadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddelka cimillada ku yimaada uu saameyn ku leeyahay qayb waliba oo horumarka ka mid ah.
William Ruto ayaa qoraal ku sheegay in si loogu guulaysto la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada ay lagama maarmaan tahay in la adeegsado hannaan maaliyadeed oo loo dhan yahay.
Waxaa uu sidoo kale xusay inay kulmeen ku xigeenka madaxa bangiga European Investment Bank ,Thomas Ostros.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu maalinkii labaad xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi uu ka socdo shirweynaha arrimaha cimillada ee qaaradda Afrika.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa sheegay in la joogo xilligii ay waddamada Afrika go’aan ay ku mideysan yihiin ka qaadan lahaayeen isbeddelka cimillada iyo maalgelinta lagula tacaali karo dhibaatadan.
Ku xigeenka maamulaha jaamacadda Nairobi Prof. Stephen Kiama ayaa dhankiisa sheegay inay lagama maarmaan tahay in ardayda laga soo dhiso dhanka hal-abuurka si marka ay qalin jebiyaan ay wax uga qabtaan isbeddelka cimillada.
Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Uasin Gishu ayaa cabasho ka muujiyey in aan laga qayb gelin waxyaabaha looga hadlaya shirka cimillada ee ka socdo magaalada Nairobi.
Waxay sheegeen inay ka cabsi qabaan in go’aammada kulanka ka soo bixi doono ay saameyn ku yeeshaan iyagoo aan la fahansiin.