Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo dhisay waax dowladeed oo si gaar ah uga shaqeyn doonto arrimaha deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada.
Waaxdan ayaa la hoos geeyay wasaaradda deegaanka iyo keymaha ee dalka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa ku xigeenkiisa shaqooyinkii uu horay u hayay waxaa uu ugu kordhiyay inuu hormuud ka noqdo isbeddellada lagu sameynaya soo saaridda qaxwada.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa hadda leh labo waaxood oo kala ah waaxda adeegyada caafimaadka iyo laanta hal-beegyada xirfadeed.
Wasaaradda ganacsiga waxaa loo qaybiyay ilaa saddex waaxood oo kala ah horumarinta maalgashiga, ganacsiga iyo warshadaha.