Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo bandhigay xubnaha golihiisa wasiirrada ee ay shalay baarlamaanka ansixiyeen.
Mas’uuliyiintan ayaa la sugaya in xilalkooda loo dhaariyo si ay qaranka ugu adeegaan.
24-ka xubnood ee uu bil ka hor soo magacaabay hoggaamiyaha wadanka ee ay shalay meel mariyeen xildhibaannada ayaa kala ah
1.Musalia Mudavadi- Madaxa wasiirrada
2.Justin Muturi-Xeer ilaaliyaha guud.
3.Mercy Wanjau-Xoghayaha golaha wasiirrada.
4.Aaden Barre Ducaale –Wasiirka gaashaandhigga
5.Alfred Mutua – Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta
6.Alice Wahome-Wasiirka biyaha , waraabka iyo maareynta wasaqa.
7.Prof. Kithure Kindiki – Wasiirka arrimaha gudaha
8.Prof. Njuguna Ndung’u – Wasiirka maaliyadda
9.Aisha Jumwa – Wasiirka adeegga dadweynaha
10.Davis Chirchir –Wasiirka tamarta iyo batroolka.
11.Moses Kuria – Wasiirka ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha.
12.Kipchumba Murkomen – Wasiirka gaadiidka, waddooyinka iyo howlaha guud.
13.Roselinda Soipan Tuya – Wasiirka deegaanka iyo Keymaha
14.Peninah Malonza – Wasiirka dalxiiska, duurjoogta iyo hiddaha
15. Florence Bore-Wasiirka shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada.
16.Mithika Linturi-Wasiirka beeraha.
17. Eliud Owalo-Wasiirka isgaarsiinta, warfaafinta iyo tiknolojiyadda .
18.Rebecca Miano-Wasiirka arrimaha bariga Afrika.
19. Zachariah Mwangi Njeru-Wasiirka dhulalka iyo guriyeynta
20. Susan Nakumicha Wafula-Wasiirka caafimaadka
21. Ababu Namwamba-Wasiirka arrimaha dhallinyarada iyo cayaaraha
22. Salim Mvurya-Wasiirka macdanta
23. Ezekiel Machogu-Wasiirka waxbarashada
24. Simon Chelugui-Wasiirka iskaashatada iyo horumarinta ganacsiyada yaryar.




