Madaxweynaha dalka oo shirka golaha wasiirrada ku guddoominaya Nyeri

0
281

Waxaa xarunta madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri ka socdo shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominaya madaxweynaha wadanka William Ruto.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka uu furmay abaare 7-dii subaxnimo ee maanta.
Madaxweyne Ruto oo gobolka bartamaha Kenya ku maraya socdaal shan cishe ah ayaa lagu wadaa inuu galinka dambe ee maanta daahfuro warshadda caanaha ee KCC laanteeda Kiganjo oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Kieni ee ismaamulka Nyeri.