Waxaa xarunta madaxtooyada yar ee Kakamega State Lodge ee ismaamulkaasi shirka golaha wasiirrada ku guddoomiyay madaxweynaha wadanka William Ruto.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka uu furmay aroornimadii hore ee maanta.
Madaxweyne Ruto oo gobolka galbeedka ku maraya socdaal shan cishe ah ayaa maalinkii afaraad ku sugan gobolkaasi, iyadoo lagu wada inuu galinka dambe ee maanta daahfuro dhismaha waddada mago-mululu-musui ee magaalada Sabatia ee dowlad deegaanka Vihiga
8-dii bishan ayay ahayd markii shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiirrada ee uu madaxweynaha dalka ku guddoomiyay xarunta madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri.
Ongoing Cabinet Meeting, State Lodge, Kakamega. pic.twitter.com/r3txXFLRvS
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) August 29, 2023