Madaxweynaha dalka oo shirka dallada (NAM) uga qayb galay Kampala

0
171

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta ka qayb galay wareegga 19-aad ee kulanka waddamada ka tirsan dhaqdhaqaaqa Non-Aligned Movement (NAM)
Shirkan oo ka socda caasimadda Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa si aqlabiyad leh loogu doortay madaxweynaha wadankaasi Yoweri Museveni inuu noqdo guddoomiyaha ururka NAM.
Madaxeweynaha Uganda ayaa xilkan kala wareegaya dhigiisa Azerbaijan.
Waxaa uu xilkan hayn doona muddo 3 sano ah.
Waxaa dalladdan (NAM) ku mideysan ilaa 120 waddan oo aan si rasmi ah uga tirsanayn ama uga soo horjeedin urur awood leh.
Dhaqdhaqaaqan ayaa la aasaasay sanadkii 1961-kii iyadoo uu ka shaqeeyo danaha waddamada uu dhaqaalahoodu soo kobcaya.
Waxaa sidoo kale maanta la filaya in dalka Suudaanta Koonfureed loo oggolaado inuu xubin ka noqdo dalladan.