Madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay wadanka ka ambabaxay ayaa ku sugan caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya labo kulan oo muhiim ah sida uu bayaan ku sheegay afhayeenka madaxtooyada State House Xuseen Maxamad.
Kulanka ugu horreeya ayaa ah midka urur goboleedka IGAD ee diiradda lagu saaraya isdhexgalka iyo horumarka gobolka iyadoo ay Kenya ka go’an tahay ka shaqeynta xasiloonida iyo horumarka Bariga Afrika.
Shirka labaad ee uu maanta ka qayb geli doono madaxweyne William Ruto ayaa ah wareegga 19-aad ee kulanka waddamada ka tirsan dhaqdhaqaaqa Non-Aligned Movement (NAM).
Waxaa dalladdan ku mideysan ilaa 120 waddan oo aan si rasmi ah uga tirsanayn ama uga soo horjeedin urur awood leh.
Dhaqdhaqaaqan ayaa la aasaasay sanadkii 1961-kii iyadoo uu ka shaqeeyo danaha waddamada uu dhaqaalahoodu soo kobcaya.
Waxaa uu sodonkii sano ee ugu horeeyay door wayn ka qaatay in meesha laga saaro nidaamkii guumaysiga , in dowlado cusub ay aasaasmeen sidoo kalena xiriirka caalamiga laga dhigay mid dimuqraadiyad ku saleysan.
Kulanka NAM ayaa looga hadli doonaa arrimo muhiim oo caalami ah sida maamulka , nabad galyada adduunka iyo istaraatiijiyooyinka soo kabashada ka dib saameyntii cudurkii COVID-19.
Hal-ku dhigga shirka ayaa ah xoojinta iskaashiga si dunida ay barwaaqo u wada gaarto.
Afhayeenka madaxtooyada dalka, Xuseen Maxamad ayaa sheegay in madaxweyne William Ruto uu doodda ku biirin doono isbeddelka lagu sameynaya qaramada midoobay, hadafyada nabadda, ammaanka , horumarka waara, la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dunida.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono hoggaamiyaasha kale si sare loogu qaado xiriirka dibloomaasiyadeed iyo doorka ay Kenya ku leedahay arrimaha gobolka iyo caalamka.