Madaxweynaha dalka oo shir uga qayb galay Sacuudiga

0
248

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta ka qayb galay kal-fadhiga Toddobaad ee madasha maalgashiga mustaqbalka oo lagu qabanaya magaalada Riyadh ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Shirkan oo maanta furmay ayaa socon doono ilaa iyo Khamiista oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bishan Oktoobar.
Waxaa ka qayb galaya qaar ka mid ah madaxda waddamada caalamka iyo xeer dejiyaal ka arrinsanaya arrimo ay ka mid yihiin garaadka macmalka ee loo yaqaano (AI),waxbarashada, daryeelka caafimaad iyo horumarka waara.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ku amray inay soo saarto xeerka la xiriira garaadka macmalka si loogu saleeyo horumarka dhijitaalka ah.
Waxaa uu xusay in tani ay kobcin doonto dhaqaalaha wadanka.