Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in gaaska cunnada lagu karsado tafaariiqdiisa lagu iibin doona 500 ama 300 oo shillin laga billaabo 1-da bisha Toddobaad ee July ee sanadkan.
Waxaa uu sheegay in tallaabadani ay u suuragelinayso shacabka in gaaska wax lagu karsado ku helaan qiime macquul ah islamarkaana ay sahleyso in la joojiyo isticmaalka dhuxusha oo laga adeedsado qaar badan oo guryaha Kenyaanka ka mid ah kuwaas oo khatar ku ah caafimaadkooda iyo deegaanka labaduba.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la billaabi doono kabida qiimaha canshuurta gaaska ilaa heer hoose ka hor inta uusan dhaqangelin ballanqaadkiisii qiimo dhimista ee dib u howlgelinta sanduuqa ganacsiga haweenka.
Waxaa uu xusay in 7 boqolkiiba dadka Kenyaanka ah ee isticmaalaan dhuxusha ay haweenka yihiin.
Qiimaha gaaska ayaa haatan suuqyada wadanka lagu iibiya 2,800 oo shilin.




