Madaxweynaha dalka oo sheegay inuu socdo mashruuca lagu dhisaya 700 oo kun oo guriyo ah

0
219

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu socdo mashruuca lagu hirgelinaya guriyo gaaraya 746, 795.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha dhanka hooyga ee ay shacabka wajahayaan.
William Ruto ayaa kirada laga bixiyo guriyaha ku sheegay mid culeys ku ah kenyaanka.
Waxaa uu xusay in qorshaha ay dowladdu ku dhisaysa guriyo tayeysan oo ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan uu ka mid tahay tallaabooyinka lagu yareynaya qiimaha sare ee maciishadda.
Madaxweyne William Ruto ayaa khudbadiisi shalay ku sheegay in hadda gacanta lagu hayo dhisidda 46,792 oo guriyo ah guud ahaan wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in la billaabi doono dhismaha 40,000 oo dheeraad ah.
Sidoo kale waxaa uu bogaadiyay mashruuca guriyeynta oo uu tilmaamay in kumanaan kenyaanka ah ay ka heleen fursado shaqo.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in ilaa 50,000 oo qof oo horay shaqo la’aan ahaa ay hadda si toos ah ama si dadban uga shaqeeyaan dhisidda guriyaha.
Tiradan ayuu sheegay inay sii kordhi doonto marka loo gudbo wajiyada xiga ee barnaamijkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladdu ay guud ahaan wadanka ka hirgelinaysa suuqyo gaaraya 400.
Waxaa ay suuqyadan lahaan doonaan adeegyada aasaasiga sida biyaha, korontada , musqullada iyo kuwa kale ee bulshada.