Madaxweynaha dalka oo sheegay inuu sii socon doono qorshaha booliiska dalka lagu gaynaya Haiti

0
196

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay Kenya ay sii wadi doonto qorshaha ku aadan in 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee wadanka la geeyo Haiti, inkastoo maxkamadda sare ee dalka ay hor istaagtay qorshahaasi.
William Ruto oo xilli uu warramay wakaaladda wararka Reuters sheegay in go’aanka maxkamadda ay racfaan ka qaadanayaan.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Kenya ay horay uga qayb qaadatay sugidda amniga waddamada Suudaanta Koonfureed, Namibia, Croatia, Liberia , Sierra Leone iyo kuwo kale sidaasi awgeedna ay garab siin doonto dalka Haiti oo ay hadda ka jirto amni darro.
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya ay ka go’an tahay gudashada waajibaadka caalamiga ee saaran maadaama ay xubin ka tahay jaaliyado iyo ururrada qaramada dunida.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii golaha amniga qaran uu baarlamaanka ka codsaday inuu ansixiyo tallaabo 1,000 ka mid ah booliiska Kenya lagu geynaya dalka Haiti taasii oo uu golaha qaran ee xeer dejinta meel mariyay.
Ansixinta baarlamaanka ayaa timid iyadoo maxkamadda sare ay soo saartay amar si ku meel gaar ah loogu hakiyay in booliiska Kenya la geeyo Haiti inta laga dhageysanayo dacwad uu gudbiyay hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot iyo labo kale taasi oo ugu dambeyn maanta la go’aamiyay.
Dalka Haiti ayaa waxaa tobaneeyo sano ka taagan rabshado isugu jiro dilal baahsan , afduub iyo lacago baad ah oo ay qaadanayaan kooxo hubeysan oo ay dagaal kula jiraan ciidamada wadankaasi.
Horraantii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansixiyay in Haiti loo diro howlgal nabadsugid oo ay ka qayb qaadanayaan dalal ay Kenya hoggaaminaysa si booliiska Haiti garab loogu siiyo inay ka adkaadaan kooxaha hubeysan.