Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta khudbad ka jeediyay xuska qaran ee maalinta halyeeyada oo lagu qabanaya beerta Uhuru Gardens ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu la shaqeeyo dhammaan madaxda la soo doortay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay horseedi doonto in Kenya ay horumar waara gaarta.
Dabbaal degga sanadkan ayaa ah midkii 59-aad ee ay Kenya xusto.
Xuska maanta waxaa ka qayb galaya madax kala duwan sida madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua , madaxa cadaaladda Martha Koome, guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula , dhigiisa aqalka sare Amason Kingi, wasiirrada xafiisyada banneynaya ee kala ah Prof. George Magoha ( waxbarashada ), Raychelle Omamo ( arrimaha dibadda ), Farida Karoney ( dhulalka ), Najib Balala ( Dalxiiska) iyo mas’uuliyiin kale.
Maanta oo kale waxaa la xusuustaa nolosha halyeeyadii gacan ka gaystay halgankii madax bannaanida ee Kenya.
Xuskan ayaa horay loo yaqaanay Kenyatta Day balse waxaa loo beddelay maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day ka dib dastuurka la soo saaray sanadkii 2010-kii.
Dabbaal degga waxaa ka qayb galaya 22,000 qof oo ay marti sharaf ka mid yihiin.
Waxaa abaal marino lagu sharfaya la siin doonaa 230 qof oo halyeeyo ah.